26.7 C
New York

Wararka: Malaayiin Qof oo Ka Qayb Galaya Aaska Cali Khamenei, xilli…

Published:

Magaalada Tehraan ayaa maanta martigelinaysa maalintii labaad ee munaasabadda tacsida Hoggaamiyihii Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, iyadoo malaayiin qof ay isugu soo baxeen caasimadda si ay uga qayb-galaan aaska iyo ducada loo samaynayo.

Wararka Soomaaliya

Mas’uuliyiinta gaadiidka magaalada ayaa sheegay in shabakadda tareennada dhulka hoostiisa mara (Metro-ga Tehraan) ay qaadeen in ka badan 7 milyan oo rakaab ah saacadihii u dhexeeyay fiidnimadii Sabtida iyo aroortii Axadda, taasoo ka tarjumaysa tirada aadka u badan ee dadka kasoo qaybgalaya munaasabadda.

Gudaha goobta aaska, boqolaal kun oo qof ayaa ku dhawaaqayay hal-ku-dhegyo ka dhan ah Mareykanka iyo Israa’iil, iyagoo dalbanaya in laga aarguto dilkii Khamenei.

Warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale baahisay muuqaallo muujinaya salaadda janaasada oo loo tukaday Khamenei iyo afar xubnood oo qoyskiisa ka tirsan, kuwaas oo lagu dilay weerarkii dhacay 28-kii Febraayo.

Faahfaahinta

Madaxda sare ee dowladda Iiraan, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Masoud Pezeshkian, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mohammad Bagher Ghalibaf, Taliyaha Ciidanka Quds Esmail Qaani, wufuud caalami ah,iyo saraakiil kale ayaa ka qayb galay salaadda janaasada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in inta ay socdaan munaasabadaha aaska aanay labada dhinac is weerari doonin, isaga oo tilmaamay in wada-hadallada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ay dib u bilaaban doonaan marka ay munaasabadahaasi soo dhammaadaan.

Qaban-qaabiyeyaasha ayaa sheegay in aaska Khamenei uu socon doono muddo toddobaad ah, isagoo ka dhici doona magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Iiraan iyo Ciraaq.

Saamaynta

Meydka ayaa la filayaa in loo qaado magaalooyinka Najaf iyo Karbala, ka hor inta aan ugu dambayn lagu aasin magaalada Mashhad, oo ah halkii uu ku dhashay Khamenei.

Munaasabaddan ayaa ka mid noqotay kuwii ugu waaweynaa ee Iiraan ka dhaca sannadihii u dambeeyay, iyadoo indhaha caalamku ay ku sii jeedaan sida ay u saameyn karto xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Bariga Dhexe.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img