17.7 C
New York

Wararka: Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Baydhabo ka dhagax dh…

Published:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay dhismaha waddo laami ah.

Wararka Soomaaliya

Waddadan la dhagax dhigay ayaa isku xiri doonta Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud iyo saldhigga dhexe ee magaalada Baydhabo.

Dhismaha waddadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ay ku horumarinayaan kaabeyaasha dhaqaalaha, fududeynta isu socodka bulshada iyo gaadiidka, kor u qaadista adeegyada magaalada iyo dardargelinta koboca ganacsiga.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img