Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay eedeymaha ka yimid dhanka Golaha Midowga Yurub ee la xiriira in dowladda Soomaaliya ay diiddo muwaadiniinteeda laga soo masaafuriyo qaaradda Yurub.
Wararka Soomaaliya
Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabaddii xuska Maalinta Xorriyadda ee ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa hoosta ka xariiqay in mowqifka Soomaaliya uu yahay mid cad, isla markaana aan marnaba muwaadin Soomaaliyeed loo diidi karin dalkiisa hooyo.
“Waxaa nala yiri Midowga Yurub wuxuu xayiraad dhanka visaha ah ku soo rogay Soomaalida, iyagoo leh Soomaaliya waxay diidday muwaadiniinteeda. Tani ma aha wax jira,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Muwaadin Soomaaliyeed laguma diidi karo dalkiisa, annaguna ma diideyno.”
Faahfaahinta
Madaxweynaha ayaa caddeeyey in is-maandhaafka rasmiga ah ee u dhaxeeya labada dhinac uusan ahayn diidmo, balse uu yahay mid la xiriira hubinta aqoonsiga dhabta ah (Identity Verification) ee dadka la rabo in dalka lagu soo celiyo.
Wuxuu tilmaamay inay jiraan dad badan oo wata dhalashooyin kale ama ka soo jeeda dalal kale laakiin magaca Soomaalida ku qaatay magangalyo, marka dambena la doonayo in dalka lagu soo celiyo.
“Waxaan rabnaa inaan marka hore xaqiijinno in dadka la soo masaafuriyey ay dhab ahaantii yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Haddii ay yihiin, waan soo dhoweyneynaa, haddii kalena, waa in lagu celiyo waddankoodii rasmiga ahaa,” ayuu raaciyey Madaxweynuhu.
Saamaynta
Jawaabtan adag ee Madaxweynaha ayaa timid ka dib markii Golaha Midowga Yurub uu ku dhowaqay go’aan ku meel gaar ah oo lagu adkeynayo bixinta visaha Schengen ee muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in iskaashiga Soomaaliya ee dhanka dib u qaadashada dadka sida sharci darrada ah u jooga qaaradda uu yahay mid gaabis ah.
Midowga Yurub ayaa horay u sheegay inay xayiraaddan ka qaadi doonaan oo kaliya marka ay dowladda Soomaaliya muujiso wadashaqeyn buuxda oo ku aaddan aqbalidda diyaaradaha sida dadka la soo masaafuriyo.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

