Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qaybgalay bandhigga buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,…
Wararka Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qaybgalay bandhigga buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”, oo uu qoray Danjire Maxamed Cabdi Afey. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka iyo waqtiga dheer ee uu Danjire Afey geliyey qorista buuggan, isaga oo xusay muhiimadda uu u leeyahay dadka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka ku nool gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in buuggu xambaarsan yahay xog, waayo-aragnimo iyo aragtiyo la xiriira xaaladaha siyaasadeed, nabadda iyo arrimaha bini’aadantinimo ee Geeska Afrika. Waxa uu sidoo kale ku ammaanay Danjire Maxamed Cabdi Afey kaalintiisa dheer ee uu kasoo qaatay arrimaha siyaasadda iyo bini’aadantinimada gobolka, isagoo muddo badan ka shaqaynayey xalinta iyo fahamka caqabadaha gobolka.
Bandhigga buugga ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay’adda PDRC, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin, aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale. Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika” ayaa diiradda saaraya waayo-aragnimada iyo dhacdooyinka la xiriira raadinta nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqaadda gobolka Geeska Afrika.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

