20.5 C
New York

Wararka: Madaxweyne Deni oo digniin u diray ciidamo beeleedyada ka …

Published:

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland, kororka ciidama…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntland, kororka ciidama beeleedyada ku biiraya dowladda federalka ah ee Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan gudaha iyo dibadda Puntland.

“Waxaan rabnaa inaan qadiyaddeena iyo dowladnimadeena difaacano, dadka mararka qaar yiraahda Puntland waa qabaa’il waa been Puntland waa dowlad, qabaa’ilku waa isu tageen oo dowlad ayey dhisteen”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhanka kalena, Madaxweyne Deni ayaa digniin u diray beelaha sheeganaya ciidamada iyo shaqsiyaad uu sheegay inaysan ka samrin natiijada doorashadii January 2024, isagoo sheegay inuu raaci doono wadada dowladnimada Puntland.

Faahfaahinta

“Ninkii raba kaar qabiil inuu xoqdo laga yeeli maayo, haddana waxaa soo u gundo dheer awal waa hadli jireene qabiil dhehaaya ciidan baan leenahay oo xeradii reer hebel baan leenahay, wadadii Puntland lagu soo barbaariyey ayaan qaadayaa waxaa soo baxay kuwa ilaa hadda doorashadii ka samri la’a”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img