20.2 C
New York

Wararka: Madaxweynaha Puntland oo Xariga ka jaray Wadada Wadnaha ee…

Published:

Garoowe : 27 June 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta xariga ka jaray Wadada Wadnaha ee caasimada Garoowe oo si casri ah loo dhisay iyo dhismaha casriga ah ee Barxada Garoowe oo iyana loogu magac daray AHUN Gen. Qalyare oo ka mid ahaa sariikiishii ku shahiiday Howlgalka Calmiskaad .

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay horumarinta iyo hirgelinta Waddooyinka casriga ah ee Caasimadda oo qeyb ka aheyd Qorshaha Dowladda ee horumarinta dalka, wuxuuna ku bogaadiyey maamulka degmada Garoowe iyo Mayorka Caasimadda Hon Abdulkadir Geedi, shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

Dowladda oo shaqooyin ka wada Waddooyinka isku xira Gobollada ayaa sidoo kalena dadaal ku bixisay in la horumariyo Waddooyinka dhex mara magaalooyinka waaweyn ee Puntland, iyadoo bulshadana loo abaabulay sidii ay u qaadan lahaayeen kaallintooda muhimka ah.

Munaasabadda galabta , waxaa ka qaybgalay wasiiro ka tirsan Golaha xukuumadda, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, maamulka gobolka Nugaal, Maamulka Degmada Garoowe , Guddiga Horumarinta Degmada, Injineerada dhismeyaasha fuliyey, Ganacsatada, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimada Garoowe.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img