20.6 C
New York

Wararka: Madaxweynaha Puntland oo dhisme cusub xarigga ka jaray.

Published:

Garoowe, 31 Luulyo 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray…

Wararka Soomaaliya

Garoowe, 31 Luulyo 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray dhismayaasha cusub ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Puntland iyo Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda.

Dhismaha cusub ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo ka kooban saddex dabaq ayaa noqonaya xaruntii ugu horreysay ee casri ah oo ay yeelato hay’addan tan iyo aasaaskii Dowladda Puntland sanadkii 1998. Sidoo kale, Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sameeyey dib-u-dhis iyo ballaarin.

Dhismayaashan ayaa lagu hirgeliyey isku-tashi iyo cashuurta shacabka Puntland, iyagoo ka tarjumaya dadaallada Dowladda ee horumarinta hay’adaha dowladda iyo tayeynta adeegyada maaliyadeed.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img