20.6 C
New York

Wararka: Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Published:

Wada shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali, iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa horseed u noqotay guulo wax ku ool ah oo sare u qaaday sumcadda kubadda cagta Soomaaliya ee fagaaraha caalamka, kuwaas oo keentay in Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, uu go’aansado inuu dhamaadka sanadkan booqasho taariikhi ah ku yimaado Soomaaliya .

Wararka Soomaaliya

Booqashadan ayaa ah mid taariikhi ah, sababtoo ah waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Madaxweyne FIFA uu soo booqdo Soomaaliya, waxayna ka tarjumaysaa kalsoonida ay FIFA ku qabto horumarka kubadda cagta Soomaaliya . Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), oo muddooyinkii u dambeeyay ka qeyb galay kulamo heer sare ah oo ka dhacay dalka Mareykanka, ayaa sheegay in wada-hadallo uu la yeeshay Madaxweynaha

Cali Shiine ayaa xusay in iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya Wasaaradda iyo Xiriirka uu door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya FIFA, isagoo tilmaamay in booqashadan la filayo ay dhabaha u furi doonto iskaashi cusub, maalgelin iyo mashaariic lagu horumarinayo garoomada kubadda cagta, kor u qaadidda aqoonta tababarayaasha, garsoorayaasha, horumarinta ciyaartoyda da’yarta, kobcinta kubadda cagta haweenka iyo xoojinta dhinacyada farsamada iyo maamulka kubadda cagta Soomaaliya .

Waxaa la filayaa in booqashadani ay sidoo kale ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo Soomaaliya uga sii dhowaaneyso dib-u-dhiska kaabayaasha ciyaaraha iyo kordhinta joogitaankeeda fagaaraha caalamiga ah, iyadoo FIFA ay sii waddo maalgashiga horumarinta kubadda cagta ee Soomaaliya iyadoo loo marayo barnaamijka FIFA Forward, kaas oo ka caawiyay dhismaha kaabayaasha iyo tababarka .

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img