18.3 C
New York

Wararka: Madaxda Dowladda Federalka ah ee Somalia oo gaarey Baydhabo.

Published:

Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Somalia Xamse Cabdi…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Somalia Xamse Cabdi Barre ayaa gaarey Magaaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ku soo dhaweeyey hoggaamiyaha Maamulka Koonfur Galbeed ee dhawaan la doortay Aadan Sheekh Maxamed Nuur (Madoobe).

Socdaalka Madaxda Dowladda ayaa qayb ka ah diyaar-garowga ugu dambeeya ee munaasabadda caleemo-saarka, taas oo la filayo inay ka qeybgalaan madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Faahfaahinta

Sidoo kale, saacadihii la soo dhaafay ayaa hawada sare ee magaalada Baydhabo lagu arkayay diyaarado dagaal oo dul heehaabaya magaalada, kuwaas oo la sheegay inay qeyb ka yihiin qorshaha lagu sugayo amniga madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ku wajahan ama ku sugan magaalada.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img