19.8 C
New York

Wararka: Maamulka Puntland oo ku dhawaaqay inuu sidii dawlad madax-…

Published:

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa sheegay in Puntland ay sii wadi doonto inay si madaxbannaan u maamulato arrimaheeda ilaa laga helayo dowlad Soomaaliyeed oo heshiis iyo wada-ogol lagu yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Wararka Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, halkaas oo uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiriirka u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Deni wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku fashilantay ilaalinta nidaamka dowladnimada iyo wadajirka dalka, isaga oo sheegay in tallaabooyinka ay qaaday ay horseedeen khilaafyo siyaasadeed iyo amni darro.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay dowladda dhexe inay qayb ka tahay abuurista xaalado amni oo halis gelinaya xasilloonida dalka, asagoo sheegay in gudaha Puntland laga wado falal lagu carqaladaynayo jiritaanka maamulkaas.

Faahfaahinta

Madaxweynaha Puntland ayaa adkeeyay in maamulkiisu uu sii wadi doono difaaca danaha shacabka Puntland iyo ilaalinta nidaamka dowladnimo ee ay dhisteen, isagoo ku baaqay in la helo hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi, heshiis iyo kalsooni dhex marta dhinacyada Soomaaliyeed.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la xiriira arrimo ay ka mid yihiin dib-u-habeynta dastuurka, doorashooyinka iyo nidaamka awood-qaybsiga dalka.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img