23.1 C
New York

Wararka: Maamulka Degmada Garoowe oo shacabka ugu baaqay inay nabad…

Published:

Duqa degmada Garoowe Cabdulqaadir Axmed Tuurre, oo ka hadlayey mashaariic laga xarig jaray Magaalada Caasimadda ah…

Wararka Soomaaliya

Duqa degmada Garoowe Cabdulqaadir Axmed Tuurre, oo ka hadlayey mashaariic laga xarig jaray Magaalada Caasimadda ah ayaa sheegay in dhaqaalaha lagu hirgeliyey jidkaan ay bixiyeen shacabka Magaalada Garoowe, wuxuuna ballanqaaday inay ka go’antahay inay waxqabad muuqda ku hirgeliyaan dhammaan dhaqaalaha ay ka qaadaan shacabka caasimadda.

“Shacabka caasimadda waxaan u sheegayaa waxaa waddadaan laydiinku dhisay waa hantidiinii aan idiin haynay, wixii aad noo dhiibateen ayaan dib idiinku soo celinay waxaana jecelnahay inaan intaas iyo ka badanba idiin qabano”, Ayuu yiri duqa degmada Garoowe Geeddi Axmed Tuurre oo ka hadlay munaasabadda xarig-jarka.

Dhanka kalena, guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka inay ilaashadaan nabadda, horumarka iyo nimcada Alle siiyey, wuxuuna ka codsaday in laga fogaado waxkasta oo dhibaato abuuri kara.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img