22.1 C
New York

Wararka: Ma Garoowe waxay noqonaysaa caasimadii ugu casrisan Puntla…

Published:

Deni oo wadada Wadnaha iyo barxadda Gen. Qalyare ka jaray xarigga

Wararka Soomaaliya

Garoowe, 27 Juun 2026 – Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta galabta si rasmi ah uga jaray xarigga Wadada Wadnaha ee caasimadda Garoowe, oo si casri ah loo dhisay, iyo dhismaha casriga ah ee Barxada Garoowe, oo loogu magac daray AHUN Gen. Qalyare, kaas oo ka mid ahaa saraakiishii ku shahiiday Howlgalka Calmiskaad.

Waddooyinkan cusub ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee Dowladda Puntland ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku-xirnaanta magaalooyinka. Wadada Wadnaha waxay si weyn u fududayn doontaa socodka dadweynaha iyo gaadiidka, iyadoo la filayo inay yareyso ciriiriga iyo wakhtiga safarka. Barxadda Gen. Qalyare, oo loogu talagalay inay noqoto goob lagu xuso shuhadada, waxay sidoo kale u adeegi doontaa xaflado iyo munaasabado bulsho.

“Waxaan muujineynaa muhiimadda ay leedahay horumarinta iyo hirgelinta waddooyinka casriga ah ee caasimadda, taas oo qayb ka ah qorshaha Dowladda ee horumarinta dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Deni. “Waxaan ku bogaadinayaa maamulka degmada Garoowe iyo Mayorka caasimadda, Mudane Cabdulqaadir Geedi, shaqada wanaagsan ee ay qabteen.”

Faahfaahinta

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in dowladda Puntland ay sii wadi doonto dadaallada lagu horumarinayo waddooyinka isku xira gobollada iyo magaalooyinka waaweyn, isagoona ku baaqay in bulshadu ay qaataan kaallintooda muhiimka ah ee ilaalinta iyo daryeelka kaabayaasha cusub.

Munaasabadda galabta waxaa ka qayb galay wasiiro ka tirsan golaha xukuumadda, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, maamulka gobolka Nugaal, maamulka degmada Garoowe, guddiga horumarinta degmada, injineerada dhismeyaasha fuliyey, ganacsatada, waxgaradka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda Garoowe. Dhammaan waxay ku bogaadiyeen dadaallada dowladda, iyagoo sheegay in waddooyinkan cusub ay yihiin horumar la taaban karo oo lagu xoojinayo tayada nolosha shacabka.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img