Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo weli ku doodayo inuu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ayaa haatan qaaday tallaabo dhabar jab ku ah hoggaamiye Aadan Madoobe oo dhawaan kusoo baxay doorasho ka dhacday magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.
Wararka Soomaaliya
Lafta-gareen ayaa la wareegay bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, wuxuuna ka saaray muuqaallada iyo qoraallada hoggaamiyaha cusub iyo guud ahaan tallaabooyinkii la qaaday tan iyo markii laga saaray Baydhaba.
Sidoo kale, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa bogga Facebook-ga ee Southwest State of Somalia ku shaaciyay qoraal ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliya, isaga oo la wadaagay farxadda munaasabadda Kowda Luulyo oo maanta ku beegan.
“Waxaan Hambaliyo leeyahay Shacabka Soomaaliyeed Munaasabadda Qiimaha leh ee 1-da Luulyo, Maalinta Xorriyadda iyo Midowgii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliyeed,” ayuu ku yiri qoraalka Cabdicasiis Lafta-gareen.
Faahfaahinta
Dhinaca kale, waxaa isla bogga lasoo geliyay muuqaal kale oo uu soo duubay afhayeenka Lafta-gareen oo ku sugan bannaanka Baydhaba, isaga oo ka hadlay howlgallada ay ka wadaan halkaasi, wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyadooda illaa inta ay dib ugu laabanayaan Baydhaba.
“Halgankeenna barakeysan ma istaagaayo waana guuleysanaynaa waqtigu waa dheeraan karaa, waana gaabnaan karaa intaba diyaar baan u nahay goor kasta iyo goob kasta ha noqotee,” ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
Si kastaba, Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka cusub ee Koonfur Galbeed oo ku aadan arrintan oo saameyn ku yeelatay howlihii baahinta xafiiska Madaxweyne Aadan Madoobe.
Saamaynta
Inkastoo weli uu gacanta ku haysto Telefishinka ku hadla afka Koonfur Galbeed oo lagu baahiyay tallaabooyinkii u dambeeyay ee maamulka, gaar ahaan xuska sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay Xornimadii Gobollada Koonfureed iyo Mideyntii labada Gobol ee Koonfur iyo Waqooyi, taariikhdu markay ahayd 1-da Luulyo 1960, taas oo xalay lagu qabtay gudaha magaalada Baydhaba.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

