Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo maanta ka dhacay Kontoroolka Koofureed ee magaalada Jowhar, xarunta Dowlad Goboleedka HirShabeelle.
Wararka Soomaaliya
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka kontoroolka, waxaana dhaawac soo gaaray laba qof oo ku sugnaa goobta xilliga uu qaraxu dhacay.
Ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah u gaaray goobta, iyagoo billaabay howlgallo lagu baarayo sababta qaraxa iyo cidda ka dambeysay.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee HirShabeelle oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dhacdada.
Faahfaahinta
Baaritaannada ayaa weli socda, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

