20.6 C
New York

Wararka: Laamaha ammaanka Puntland oo awaamiir soo saaray.

Published:

Dowladda Puntland ayaa soo saartay amar cusub oo lagu xoojinayo amniga iyo badqabka isticmaalka gaadiidka, kaas…

Wararka Soomaaliya

Dowladda Puntland ayaa soo saartay amar cusub oo lagu xoojinayo amniga iyo badqabka isticmaalka gaadiidka, kaas oo faraya in laga saaro gaadiidka indhaha laysarka ah ee lagu rakibo nalalka, isla markaana laga jaro shalmadaha (muraayadaha madow) ee xanniba aragtida gudaha gaadiidka. Wareegtadan ayaa ka soo baxday Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland, iyadoo loo diray hay’adaha amniga iyo kuwa maamulka ee ay khusayso.

Go’aankan ayaa lagu sheegay inuu daba socdo qaraar ka soo baxay Golaha Wasiirrada Puntland, kaas oo lagu adkaynayo fulinta tallaabooyinka lagu sugayo amniga iyo ilaalinta shacabka. Dowladda ayaa sheegtay in indhaha laysarka iyo shalmadaha gaadiidka ay caqabad ku yihiin shaqada ciidamada amniga, isla markaana ay fududeeyaan falal amniga lid ku ah.

Wareegtada ayaa faraysa dhammaan hay’adaha ay khusayso inay si degdeg ah u bilaabaan fulinta amarkan, iyagoo la kaashanaya ciidamada booliska iyo hay’adaha kale ee amniga. Sidoo kale, milkiilayaasha gaadiidka waxaa lagu amray inay iskood uga saaraan qalabkan si ay uga fogaadaan tallaabooyin sharci ah.

Faahfaahinta

Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland ayaa ugu dambayn digniin u dirtay cid kasta oo ku guuldareysata inay u hoggaansanto amarkan, iyadoo sheegtay in gaadiidka lagu qabto isagoo wata indhaha laysarka ama shalmadaha la mamnuucay laga qaadi doono tallaabooyin waafaqsan sharciga. Dowladda ayaa shacabka ugu baaqday inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadda iyo kala dambeynta.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img