Allaha u naxariistee Abwaan Aadan Tarabi Jaamac, oo ka mid ahaa haldooradii ugu caansanaa suugaanta Soomaaliyeed, ayaa saacado ka hor ku geeriyooday magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen eheladiisu.
Wararka Soomaaliya
Abwaan Aadan Tarabi wuxuu ahaa hal-abuur si weyn uga dhex muuqday curinta heesaha, riwaayadaha iyo gabayada, isaga oo ka mid noqday abwaanadii raadka mugga leh ku reebay fanka Soomaaliyeed.
Abwaan Aadan Tarabi Jaamac wuxuu ku dhashay deegaanka u dhow magaalada Caynaba ee gobolka Sool sannadkii 1948-kii, ayadoo Aabbihii uu darawal u ahaa guddoomiyihii Gobolka Waqooyi Galbeed xilligii gumeysiga Ingiriiska.
Yaraantiisii ayuu u guuray magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashada diinta Islaamka. Markii dambe wuxuu u wareegay magaalada Berbera, isagoo ka shaqayn jiray maqaayado ku yaallay magaaladaas.
Faahfaahinta
Intii uu halkaas joogay ayuu si qoto dheer ugu biiray hal-abuurka iyo suugaanta, taas oo u furtay albaabka fanka Soomaaliyeed, asagoo heesihii ugu horreeyay ay si weyn u caan baxeen bartamihii 1960-meeyadii.
Abwaan Aadan Tarabi wuxuu la soo shaqeeyay, isla markaana la jaanqaaday haldoorro ay ka mid ahaayeen Cabdi Aadan Qays, Maxamed Aadan Dacar, Xasan Cabdullaahi (Xasan Ganey), Cabdullaahi Diiriye Sooraan, iyo Maxamed Cumar Hurre, kuwaas oo dhammaantood caan ku ahaa curinta heesaha iyo riwaayadaha.
Wuxuu ka mid ahaa abwaanadii ugu saamaynta badnaa bahdii fanka Soomaaliyeed ee toddobaatameeyadii iyo siddeetamaadkii, iyadoo fanaaniintii caanka ahayd ee kooxda Waaberi intooda badan qaadeen heeso uu curiyey.
Saamaynta
Heesaha caanka ah ee abwaanku uu curiyey waxaa kamid ah “Goor iyo Ayaan” oo ay qaaday Allaha u naxariistee shanka roon Axmed Yuusuf “Sagal”.
Heesta Yufle oo ay aado Allaha u naxariistee Kinsi Xaaji, Liibaan Ma Leh Adduunyo oo ay qaaday Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame, iyo Dar Allaad u Hurdudaa oo uu qaaday Maxamed Mooge Liibaan.
Sidoo kale waxaa suugaantiisa kamid ah heesta “Dawo” ay wada qaadeen Sahra Siyaad iyo Cabdiraxmaan Raas, iyo riwaayado badan oo aad u shaac baxay 70-meeyadii iyo 80-meeyadii.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

