22.1 C
New York

Wararka: Jadwalka qaabka ay xulalku isu-wajahayaan wareegga 32-da e…

Published:

Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa shaaciyey jadwalka rasmiga ah ee wareegga 32-da koobka Adduunka, waxaana ciyaarahani ka qabsoomi doonaan garoomo kala duwan oo ku yaalla Mareykanka, Canada iyo Mexico.

Wararka Soomaaliya

Kulanka ugu horreeya ee wareeggaan ayaa habeenimada Axadda kuna beegan 28-ka June, waxay South Africa ay wajahdo Canada ciyaar ka dhici doonta magaalada Los Angeles saacadda 10:00 habeenimo, halka Isniinta, Brazil ay la ciyaari doonto Japan saacadda 8:00 fiidnimo, iyadoo Germany ay isla habeenkaas la kulmi doonto Paraguay saacadda 11:30 habeenimo.

Talaadada, Netherlands ayaa la ciyaari doonta Morocco saacadda 4:00 subaxnimo, waxaana xigi doona kulanka u dhexeeya Ivory Coast iyo Norway oo la balansan yahay 8:00 fiidnimo.

Arbacadana waxaa la ciyaari doonaa afar kulan oo waaweyn, kuwaas oo ay ka mid yihiin France iyo Sweden, Mexico iyo Ecuador, England iyo DR Congo, halka Belgium ay wajahayso Senegal.

Faahfaahinta

Khamiista ilaa Jimcada, USA ay la ciyaari doonto Bosnia-Herzegovina, Spain-na waxay wajahaysa Austria. Portugal ayaa la balansan Croatia, Switzerland-na waxay la ciyaari doontaa Algeria, halka Australia ay wajahdo Egypt, ugu dambayn Sabtida waxaa jiri doona laba kulan oo kale oo xiiso badan, kuwaas oo kala ah Argentina iyo Cape Verde, iyo Colombia oo la ciyaari doonta Ghana.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img