Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire ayaa sameeyay isbeddel cusub oo dhanka hoggaanka ah, isagoo magacaabay Taliyaha Guutada Birmadka iyo laba taliye urur oo hoggaamin doona cutubyo ka tirsan ciidankaas.
Wararka Soomaaliya
Wareegto kasoo baxday Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu magacaabay Gaashaanle Sare Jaamac Maxamuud Yuusuf inuu noqdo Taliyaha Guutada Birmadka Booliska Puntland. Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb qaadatay dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad.
Sidoo kale, Dhamme Cabdirisaaq Maxamed Dhanbaal ayaa loo magacaabay Taliyaha Ururka 1-aad ee Guutada Birmadka, halka Dhamme Cabdimudallib Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Ururka 2-aad.
Cabdimudallib Cabdi Shire ayaa si weyn loogu yaqaanay ka qeyb-galka dagaalkii Laascaanood, wuxuuna ka mid ahaa ciidamadii Puntland ee lagu qabtay dagaalkaas, kuwaas oo muddo kadib dib u helay xorriyaddooda.
Faahfaahinta
Magacaabistan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay dadaallada ay Puntland ku xoojinayso qaab-dhismeedka iyo hoggaanka ciidanka booliska, gaar ahaan guutada birmadka oo ka mid ah cutubyada sida gaarka ah u tababaran ee qaabilsan howlaha amniga iyo gurmadka degdegga ah.
Ciidamada birmadka booliska Puntland ayaa muddooyinkii dambe lagu sameeyay dib-u-habeyn iyo tababbarro lagu tayeynayo awooddooda, iyadoo qeyb ka mid ah ciidankaas dhawaan tababar loogu soo xiray kulliyadda tababarka ciidamada ee Carmo.
Magacaabistan cusub ayaa ku soo beegmeysa xilli Puntland ay xoojinayso awoodda hay’adaha amniga, iyadoo maamulku sheegay inuu mudnaanta siinayo tayeynta ciidamada si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo la tacaalidda caqabadaha ka jira deegaannada Puntland.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

