28 C
New York

Wararka: Iiraan oo weerartay Baxrayn iyo Kuwait kadib markii Mareyk…

Published:

Iran ayaa weerar duqeyn ah ku qaaday Baxrayn iyo Kuwait iyadoo sheegtay inay bartilmaameedsatay “85 xarumood oo militari oo Mareykan ah” kadib duqeynmo uu Mareykanka la beegsaday gobolka Hormozgan iyo magaalada dekedda leh ee Mahshahr.

Wararka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu “weeraro xooggan” ku qaaday Iiraan kadib markii la weeraray saddex markab oo ku sugnaa Gacanka Hormuz, oo ay ku jiraan maraakiibta shidaalka ee laga leeyahay Qatar iyo Sacuudiga.

Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen 85 goobood oo militariga Mareykanka ah oo ku yaal Baxrayn iyo Kuwait si ay uga jawaabaan duqeymaha Mareykanka ee koonfurta Iiraan.

IRGC waxay sidoo kale sheegtay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka, sida ay sheegeen warbaahinta Iiraan.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img