20.6 C
New York

Wararka: Halyeeygii fanka Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal oo ku geer…

Published:

dii fanka soo galay, ee noqday mid ka mid ah tiirarkii muusigga iyo masraxa Soomaaliyeed

Wararka Soomaaliya

MINNEAPOLIS, Minnesota – Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 31 Luuliyo dalka Mareykanka ku geeriyooday halyeeygii fanka Soomaaliyeed Axmed Cali Cigaal, oo muddo ka badan 50 sano ka mid ahaa tiirarka ugu waaweyn ee fanka iyo masraxa Soomaaliyeed, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa.

Sida ay qoyskiisu sheegeen, Axmed Cali Cigaal wuxuu toddobaadkii u dambeeyay ku jiray isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, halkaas oo xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayay ka hor geeridiisa.

Axmed Cali Cigaal wuxuu fanka ku biiray sannadkii 1967, isagoo noqday fannaan, jilaa, muusikiiste iyo laxamiiste caan ka ahaa guud ahaan geyiga Soomaaliyeed. Waxa uu door weyn ku lahaa horumarinta fanka casriga ah, isaga oo ka tirsanaa hobolladii caanka ahaa ee Waaberi, isla markaana dhaxal faneed oo qani ah uga tegay bulshada Soomaaliyeed. Sidoo kale, taariikhdu waxay xustaa inuu door muhiim ah ka qaatay aasaaska kooxda Somali Jazz, oo hormuud u noqotay soo bandhigista heeso Soomaaliyeed oo lag

Faahfaahinta

Geeridiisa ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan bahda fanka iyo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo fanaaniin, hal-abuurro iyo taageerayaal badan ay baraha bulshada ku muujinayaan tacsidooda iyo sida ay u xusuusan doonaan doorkii uu ku lahaa kobcinta fanka Soomaaliyeed.

Axmed Cali Cigaal wuxuu ka tegay dhaxal faneed oo sii jiri doona, iyadoo heesihiisa iyo riwaayadihiisa ay weli yihiin qayb muhiim ah oo ka mid ah taariikhda iyo hidaha Soomaaliyeed.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariisto Axmed Cali Cigaal, samir iyo iimaan hana ka siiyo qoyskiisa, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img