25.3 C
New York

Wararka: Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ku baaqay in la xoojiyo taa…

Published:

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa sheegay in mustaqbalka Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga…

Wararka Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa sheegay in mustaqbalka Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) uu ku xirnaan doono dejinta qorshe istaraatiiji ah oo cad, si loo xaqiijiyo in howlgalka uu si wax ku ool ah uga jawaabo baahiyaha amniga Soomaaliya.

Hadalka ayuu ka jeediyay kulan aan rasmi ahayn oo ay yeesheen Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, kaas oo diiradda lagu saaray mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo sidii loo xoojin lahaa taageerada loo fidinayo.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la kordhiyo taageerada siyaasadeed, tan dhaqaale iyo tan farsamo ee AUSSOM, si loo adkeeyo doorka Afrika ee nabadda iyo amniga qaaradda, isla markaana loo helo maalgelin waarta oo lagu taageero howl-gallada nabad ilaalinta ee ay Afrika hoggaamiso.

Faahfaahinta

Mahmoud Ali Youssouf wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la dhowro naf-hurnimada dalalka ciidamada ku biiriya howlgalka (TCCs), isagoo sheegay in loo baahan yahay in la ilaaliyo guulihii amni ee laga gaaray Soomaaliya, lana dhiso howlgal dabacsan oo la jaanqaadi kara xaaladaha is beddelaya isla markaana awood u leh inuu si hufan u guto waajibaadkiisa.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayaa ku baaqay in la dedejiyo howlgelinta Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika (AU Peace Fund), hirgelinta canshuurta boqolkiiba 0.2 ee lagu maalgelinayo howlaha nabadda, iyo in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay kordhiyaan tabarucaadkooda si loo xaqiijiyo joogtaynta howl-gallada nabad ilaalinta.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img