38.8 C
New York

Wararka: Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Tirada Codbixi…

Published:

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray xogta codbixiyeyaasha laga diiwaangeliyay Dowlad Goboleedka Galmudug, iyadoo tirada guud ee isdiiwaangelisay ay gaartay 215,860 qof.

Wararka Soomaaliya

Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in 117,305 oo kamid ah codbixiyeyaasha ay yihiin rag, halka 98,555 ay yihiin dumar.

Sidoo kale, 1,633 qof oo naafo ah ayaa kamid noqday dadka la diiwaangeliyay.

Gobolka Mudug ayaa noqday gobolka ugu badan ee laga diiwaangeliyay codbixiyeyaasha, iyadoo tiradu gaartay 116,590 qof, halka gobolka Galgaduud laga diiwaangeliyay 99,270 qof.

Faahfaahinta

Guddiga ayaa sheegay in diiwaangelintan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka hirgala.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img