25.9 C
New York

Wararka: Ganacsatada Boosaaso oo xarumohooda u xiray cabasho cashuu…

Published:

Ganacsatada suuqyada Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa albaabbada u laabay goobohooda ganacsiga, xilli ay…

Wararka Soomaaliya

Ganacsatada suuqyada Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa albaabbada u laabay goobohooda ganacsiga, xilli ay sii xoogeysaneyso saameynta ka dhalatay xirnaanshaha Dekedda Boosaaso oo galay maalintii 11-aad.

Ganacsatada ayaa cabasho xooggan ka muujiyey khidmado cashuur ah oo ay dowladdu ku soo rogtey, iyagoo ku doodaya in lacagtaasi ay culays dheeraad ah ku tahay ganacsiga, isla markaana ay sare u qaadi karto qiimaha badeecooyinka iyo kharashaadka ganacsatada.

Xirnaanshaha dekedda ayaa si weyn u saameeyay isu socodka badeecooyinka, maadaama Dekedda Boosaaso ay tahay marin ganacsi oo muhiim u ah Puntland, waxaana ka soo dega raashin, shidaal, dawooyin, qalabka dhismaha iyo badeecooyin kale oo gaara ilaa Itoobiya iyo Koonfurta Somalia.

Faahfaahinta

Dhanka kalena, waxaa hareeraha dekedda Boosaaso taagan tobanaan gaadiid xamuul ah oo u xayiran shixnadaha ganacsi ee saaran maraakiibta & doonyaha ganacsi ee ku xayiran agagaarka dekedda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img