Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa maanta magacaabay guddi heer sare ah…
Wararka Soomaaliya
Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye), ayaa maanta magacaabay guddi heer sare ah oo baaritaan ku sameeya dhacdadii lagu laayay dad rayid ah ee dhowaan ka dhacday deegaanka Adhicadeeye ee gobolka Sool.
Guddigan oo ka kooban shan xubnood, kana kooban wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Waqooyi Bari, ayaa loo igmaday inay si madax-bannaan u baaraan dhacdada, islamarkaana soo diyaariyaan warbixin rasmi ah oo ku saabsan wixii dhacay.
Sidoo kale, guddiga ayaa loo xilsaaray inay dib u eegis ku sameeyaan doorka iyo tallaabooyinkii ay qaadeen hay’adaha amniga ka hor iyo kaddib dhacdada, si loo ogaado heerka masuuliyadda iyo habkii loo wajahay xaaladda.
Faahfaahinta
Guddiga Baadhista iyo xal u helidda dilkii Adhicadeeye
Xubnaha Guddiga ayaa kala ah:
1.Wasiir Gen. Cabdi Xasan Maxamed—Guddoomiye
Saamaynta
2.Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Ducaale
3.Wasiir Jaamac Faarax Muuse
4.Xildhibaan Cabdiqaadir Cabdi Warsame
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

