25.7 C
New York

Wararka: Fiqi oo u jawaabay Shariif: Wuxuu ku wareeray dagaalkii Mi…

Published:

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab kulul siiyay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

Wararka Soomaaliya

Shariif oo ka hadlayay xuska Kowda Luulyo ayaa sheegay dalka aysan ka jirin xorriyad, isa markaana kaliya ay u dabaal-dagayaan xorriyaddii 1960-kii.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku eedeeyay dowladda hadda jirta inay ku kaceyso xarig, caburin iyo duulaan lagu qaado Maamul-Goboleedyada Dalka.

“Xorriyad macnaheeda maanta kama jiro dalkaan, xorriyadda aan u dabaal-dageyno waa middii 1960-kii, taas ayaan u dabaal-dageynaa waxaan qiimeyneynaa aabayaashii, awoowayaashii iyo ayeeyayaashii u istaagay dalkan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Faahfaahinta

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo shaaca ka qaaday in Sheekh Shariif uu caada ka dhigtay inuu aflagaadeeyo madaxda dalka, isla markaana uu marar badan u gefay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in guriga Shariif uu noqday meel laga soo caayo dowladda, laguna aruuriyo dhalinyarada, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii Shariif gurigiisa waa kaam lagu caayo Madaxweynaha ilmo yar yar ayaa ku jiro oo boorar buu u dhiibaa. Shariifka waa nin kusoo wareeray dagaalkii ayaan dhaweyd ee Mirinaayo,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img