19.8 C
New York

Wararka: Dowladda Switzerland oo taageeraysa sanduuqa horumarinta P…

Published:

xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay yeesheen xubnaha…

Wararka Soomaaliya

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyey kulan muhiim ah oo ay yeesheen xubnaha Guddiga Sare ee Sanduuqa Horumarinta Puntland (Puntland Development Fund – PDF).

Shirka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan goleyaasha dowladda ee ku jira Guddiga Sare ee PDF-ka, kuwaas oo ka kala socday hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland. Sidoo kale waxaa kulanka goob joog ka ahayd Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Switzerland ee Geeska Afrika, Martina Durrer, xubno katirsan golaha xukuumadda iyo bulshada rayidka ah ee Puntland.

Kulankan ayaa muddadii uu socdey waxaa siweyn diiradda loogu saaray dardargelinta dhismaha iyo dhammeystirka qaab-dhismeedka sanduuqan horumarineed ee laf-dhabarta u ah maalgelinta mashaariicda muhiimka ah ee Puntland.

Faahfaahinta

Dhinacyada ayaa waxa ay ka wada hadleen heerka uu marayo dhismaha Sanduuqa Horumarinta Puntland iyo tallaabooyinka harsan ee lagu dhammaystirayo, iyadoo laysla gartay in PDF-ku uu door weyn ka ciyaari doono maalgelinta mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta maamulka dowliga ah.

Sanduuqa Horumarinta Puntland (PDF) ayaa loo arkaa mid ka mid ah aaladaha ugu muhiimsan ee lagu mideynayo taageerada horumarineed ee Puntland ka hesho saaxiibbada caalamiga ah oo ay kamid tahay Dowladda Switzerland oo ka mid ah waddamada si dhow ula shaqeeya Puntland ee taageera dhismaha hay’adaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img