25.3 C
New York

Wararka: Dowladda Somalia oo ka hadashay xayiraadda fiisaha Midowga…

Published:

dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in wararka lagu xiriirinayo…

Wararka Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa sheegay in wararka lagu xiriirinayo xayiraadaha fiisaha ee Midowga Yurub iyo nidaamka eVisa-da Soomaaliya ay yihiin kuwo marin-habaabin ah oo aan ka tarjumayn xaqiiqada.

Qoraal uu soo saaray ayuu ku caddeeyay in tallaabada Midowga Yurub aysan ahayn qiimeyn lagu sameeyay hab-maamulka ama nidaamka dowladda Soomaaliya, balse ay si gaar ah ula xiriirto arrimaha socdaalka iyo iskaashiga dib-u-celinta dadka sida sharci darrada ah ugu sugan dalalka Yurub.

Wasiirka, ayaa sheegay in Somalia aysan kali ku ahayn carqaladdaan balse ay jiraan dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Ciraaq, Bangladesh, Gambia iyo Senegal ay iyaguna hore ula kulmeen ama lala xiriiriyay tallaabooyin la mid ah.

Faahfaahinta

Dhanka kale, Wasiiru-dowlaha ayaa difaacay nidaamka eVisa-da Soomaaliya,wuxuuna sheegay in loo hirgeliyey casriyeynta adeegyada socdaalka, fududeynta habraacyada gelitaanka dalka iyo kor u qaadista amniga, isagoo adkeeyey in nidaamkan uusan ahayn mid lagu go’doominayo Soomaaliya, balse uu yahay hannaan casri ah oo waafaqsan isbeddellada dunida ee maamulka socdaalka.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img