35.6 C
New York

Wararka: Dowladda Somalia oo ka hadashay duqaymo ka dhacay Shabeell…

Published:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeymo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya…

Wararka Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay duqeymo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ka fuliyeen deegaannada Tawakal, Nuun Garre iyo Ugunji ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka tiro kale lagu dhaawacay. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in duqeymaha lagu burburiyay gaadiid, hub, saanad ciidan iyo fariisimo ay kooxdaasi ku lahayd goobaha la beegsaday.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xustay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, iyadoo carrabka ku adkaysay in la sii xoojin doono howlgallada ka socda deegaannada ay kooxdu ku sugan tahay.

Faahfaahinta

Dowladdu waxay sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo tilmaamtay in ujeeddada ugu weyn ay tahay ciribtirka khatarta ay kooxdaasi ku hayso shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta amniga dalka.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img