24.8 C
New York

Wararka: DFS oo Magacowday Taliyaha Qaybta 54-aad iyo Puntland oo S…

Published:

aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo xarunteedu tahay magaalada Garoowe.

Wararka Soomaaliya

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallo ay dowladda federaalku ku ballaarinayso qaab-dhismeedka ciidanka qaranka, iyadoo dhawaan ciidanka Federaalka lagu daray askar hore uga tirsanaa ciidamada Puntland oo ku sugnaa Garoowe iyo Boosaaso.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in ujeedada dowladda ay tahay dib u soo nooleynta taliskii Ciidanka Xoogga ee hore uga jiray deegaannada Puntland kahor burburkii dowladdii dhexe.

Si kastaba, tallaabadan ayaa wajahaysa diidmo xooggan oo ka timid Puntland.

Faahfaahinta

Jimcaale Jaamac Takar ayaan hore uga tirsanaan jirin Ciidanka Federaalka, balse wuxuu caan ku yahay inuu hoggaamin jiray ciidamada Danab ee Puntland, kuwaas oo hoos taga maamulka Puntland kana madax-bannaan taliska Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo saldhigyadoodu ku yaallaan Garoowe.

Magacaabistan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee Dowladda Federaalka ay taliye qaybeed si toos ah ugu magacowdo Puntland tan iyo sanadkii 1991-kii, iyadoo aan jirin wax oggolaansho ama wada-tashi rasmi ah oo lala yeeshay maamulka Puntland.

Arrintan ayaa la filayaa inay sii xoojiso khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Garoowe, xilli labada dhinac ay hore ugu kala aragti duwanaayeen arrimo la xiriira awood-qaybsiga, dastuurka iyo maamulka ciidamada.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img