da Luuliyo ee maalinka xorriyadda ayaa ka…
Wararka Soomaaliya
Dowladda federalka ah ee Somalia oo kujirta dabbaal-degga munaasabadda 1-da Luuliyo ee maalinka xorriyadda ayaa ka hadashay qorsheheeda ku aaddan gobolada Waqooyi & gooni-goosadka ay qaadatay Somaliland.
Dowladda federalka ah ee Somalia waxay sheegtay in qorsheheedu yahay in iyadoo loo marayo hanaan nabadeed ay sanadka dambe munaasabadda 1-da Luuliyo ku qaban doonto Magaalooyinka Hargaysa, Burco iyo Boorama.
Dhanka kalena, Taliyaha ciidanka booliska Dowladda federalka ah ee Somalia Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa ka hadlay faragelinta DFS ee Puntlland iyo ciidamada ay dowladdu ka qoranayso qaybo kamid ah deegaamada Puntland.
Faahfaahinta
Gen. Asad Diyaano ayaa sheegay in ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay joogaan gobolkasta aysanna kuwa laga qorayo Puntland ka duwanayn kuwa ku sugan Muqdisho iyo qaybaha kale ee dalka, sida uu hadalka u dhigay.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

