Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi wasirro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay uga qayb-galeen munaasabad lagu xusay 49-guurada ka soo wareegtay maalintii Jamhuuriyadda Jabuuti ay xornimada ka qaadatay gumeysigii Faransiiska.
Wararka Soomaaliya
Wafdigan oo ka baxay Muqdisho ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Safiirka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Cismaan Dubad, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, masuuliyiin ka socday Dowlad-goboleedka HirShabeelle, Hobollada Waaberi iyo masuuliyiin kale.
Xuska dabaal-degga maalintan qaran ayaa lagu qabtay xarunta Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee magaalada Beledweyne, iyada oo si gaar ah loo maamuusay 49-guurada xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda lagu xusay doorkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya ka qaadatay halgankii ay Jabuuti uga xoroobaysay gumeysigii Faransiiska iyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.
Faahfaahinta
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isna haatan booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa lagu casuumay ka qayb-galka munaasabadda qaran ee xuska 49 sano guurada kasoo wareegatay markii dalkaasi xorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska, waqtigaasi oo ku beegan 27-kii bishii Juun, sanadkii 1977-dii.
Dalka Jabuuti oo ah walaalka dhabta ah ee Soomaaliya ayaa mar kasta hiil la garab taagan DFS iyo shacabkeeda, gaar ahaan dowlad dhiska Soomaaliya.
Si kastaba, waxaa todobaadkan lagu jiraa maalmaha qaran ee xorriyadda Soomaaliya, iyada oo habeen hore loo dabaal-dagay 26-ka June oo a markii ay xoreebeen gobollada Waqooyi, waxaa sidoo kale hadda la’isku diyaarinayaa xuska kowda Luulyo oo iyana ku beegan markii ay xoreebeen gobollada Koonfureed, ayna midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

