17.7 C
New York

Wararka: DF oo ku dhawaaqday in la soo afjaray isticmaalkii magaca …

Published:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la soo afjaray isticmaalkii magaca “madaxweyne” ee loo adeegsan jiray madaxda dowlad-goboleedyada dalka.

Wararka Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo arrintan ku dhawaaqay ayaa sheegay in hadda kadib “hoggaamiyeyaal” loogu yeeri doono madaxda dowlad-goboleedyada, maadaama uu dalka ka dhaqan-galay dastuurka cusub ee muranka dhaliyay.

“Waa laga guurey madaxweyne, madaxda dowlad-goboleedyada waa hoggaamiye, oo sidaas ayaa loogu yeeraya,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Isbeddelkan ayuu sheegay inuu taabanayo dhamaan dowlad-goboleedyada dalka, oo ay ku jiraan Jubaland iyo Puntland oo si weyn isku hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana qaadacay dastuurka cusub ee meel-marisay dowladda dhexe.

Faahfaahinta

“Kuwa xitaa maqan ee jid iyo jahadiidka ah, dhammaantood waa hoggaamiye,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Dastuurka cusub oo hore u saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu dhigayaa in ragga maamula dowlad-goboleedyada aan loogu yeeri karin “madaxweynayaal” halka la siiyay darajada “hoggaamiyeyaal”.

Hoggaamiyayaasha gobollada waxaa u qorneyd muddo fog inay madaxweynayaal yihiin laakiin dastuurka cusub ee maray baarlamaanka wuxuu madaxda maamullada siiyay darajada hoggaamiye, waxaana laga bilaabo maalinkaas meesha ka baxday in loogu yeero madaxweyneyaal.

Saamaynta

Dastuurka cusub oo weli mucaaradad xooggan wajahaya ayaa waxaa qaadacay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, iyadoo maamullada Jubaland iyo Puntland ay si cad u sheegeen in aysan aqoonsaneyn dastuur aan aheyn kii 2012.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img