Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusu ee Taliska Guutada 77 ee Madaxtooyada Qaranka, kadib munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya.
Wararka Soomaaliya
Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo saraakiisha halkaasi ku sugan, waxaana wehlinayay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Taliyaha guutada 77.
Xasan Sheekh ayaa taliska ku boggaadiyay hirgelinta xaruntan cusub oo wax badan ka tari doono howlaha ciidamada, gaar ahaan ilaalada madaxda Qaranka.
Intaas kadib Madaxweynaha Soomaaliya iyo taliyeyaasha ayaa kormeeray dhismaha xarunta cusub iyo xafiisyada ay ku shaqeyn doonaan saraakiisha, maadaama dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay.
Faahfaahinta
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii ku guda jiray booqashada la kulmay askarta ku soo dhaawacantay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isaga oo xaal wareystay, kuna boggaadiyay dadaalkooda naf-hurnimada ah.
Tallaabadan ayaa qayb ah dadaallada lagu xoojinayo dib u dhiska ciidamada, iyada oo lagu soo aadiyay xilli xasaasi ah oo uu mar kale Madaxweynuhu iclmaaliyay dagaal kama dambeys ah oo lagu qaadayo kooxda Al-Shabaab.
Gulufka cusub ayaa durbo laga dareemay furimaa hore oo ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilowdeen, halkaas oo loo diray Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga oo dhawaan booqday deegaanno ka tirsan Galmudug.
Saamaynta
Soomaaliya waxaa weli halis ku haya kooxaha argixisada oo weli ku sugan qaybo kamid ah dalka, sidoo kalen weerarro ku qaada xarumaha dowladda.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

