23.4 C
New York

Wararka: Daawo: Soomaaliya oo Record caalami ah jebisey kadib markii…

Published:

Dowladda Federaalka Soomaaliya aya maanta jebisey Recordkii cusub oo ku aadan heshiisyada caalamiga ah, kadib markii Hay’adda Baddaha Aduunka IMO ay ka diiwaangelisey 15 heshiis oo caalami ah.

Wararka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo hadda ku sugan magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska ayaa Xarunta Ururka Badaha Adduunka ee Qaramada Midoobay ka diiwaangeliyay heshiisyadan oo ay horay u meel-mariyeen xubnaa Golaha Wasiirrada Soomaaliya, isla markaana muhiim u ah dalka.

Documentiyada la gubdiyay ayaa isugu jiro 15 heshiis, borotokool iyo lifaaqyo sharciyeed oo caalami ah oo la xiriira arrimaha badaha, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay mid lagu casriyeynayo hannaanka sharciyeed ee badaha dalka.

Wasiir Jaamac oo faah-faahin ka bixiyay tallaabada ay qaadeen ayaa guul ku tilmaamay, wuxuuna sheegay in tani ay tahay isbeddelkii ugu ballaarnaa ee lagu sameeyo sharciyada badaha Soomaaliya tan iyo markii ay xornimada qaadatay Soomaaliya, isla markaana ay dalka ka caawin doonto inuu la jaanqaado xeerarka caalamiga ah ee khuseeya badqabka maraakiibta, amniga badda, heerarka badmaaxiinta iyo ilaalinta deegaanka badda.

Faahfaahinta

“Maanta waa maalin wayn oo taariikhi ah oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed qiimo wayn ugu fadhido waa maalin aan soo diiwaangelinay 15 documenti oo dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan inta daneysa arrimaha badda aan kusoo diiwaanelinay Hay’adda Badaha Caalamiga ah ee IMO waa maalin aan dhihi karno taariikhda weli kama dhicin in documintiyo heerkan la eeg ay dowladi keento xaruna IMO,” ayuu yiri Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Waxaa kale oo uu intaas kusii datay “Shuruucda aan diiwaangelinay waxay u adeegayaan oo ay muhiim u yihiin arrimaha diblumaasiyadda, ganacsiga, difaaca iyo ilaalinta gobonnimada dalka Soomaaliyeed”.

In kasta oo Soomaaliya ay leedahay xeeb-barriyeedka ugu dheer Afrika, isla markaana ay ku taallo marinno istiraatiiji ah oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan adduunka, haddana tan iyo 1960-kii waxay ku biirtay oo keliya saddex heshiis oo caalami ah oo la xiriira arrimaha badaha, sida ay shaacisay Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya.

Saamaynta

Si kastaba, ku biirista heshiisyadan waxay Soomaaliya ka dhigaysaa dal firfircoon oo ka tirsan nidaamka caalamiga ah ee badaha, iyadoo xoojinaysa badqabka iyo amniga badda, ilaalinta deegaanka, iyo hirgelinta heerarka caalamiga ah. Sidoo kale, waxay dhiirrigelinaysaa maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha buluugga ah, iyo ballaarinta fursadaha ganacsi iyo iskaashiga caalamiga ah, taas oo ka tarjumaysa aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta waarta ee howlaha qaran ee la xiriir

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img