23.1 C
New York

Wararka: Daawo: R/Wasaare Xamza oo jaam ku galay Tarabuunka

Published:

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo saaka xarig jaray waddada laamiga ah ee degmada Dayniile ayaa jaam ku galay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, halkaas oo muddo ay hakad ku galeen isaga iyo kolonyadiisa.

Wararka Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay dhacdadaan ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu dhex socdo bulshadiisa, isla markaana uu arko xaaladdooda dhabta ah, maadaama uu ciriiri badan ka jiro waddooyinka caasimada.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in saaka aan loo xirin waddo, isla markaana uu si nabad ah ku gaaray degmada Dayniile oo ay tageen isaga iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

“Waxaa Ilaahey mahadiis ah inaan saaka soo maray Tarabuunka, iyada oo aan jid la ii xirin oo aan isa soo dhex soconay bulshadeenna waan ku faraxsanahay in Tarabuunka aan xoogaa taagneyn iyo meela kaleba oo uu jaam ka jiray,” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Faahfaahinta

Xamza oo sii hadlaya ayaa yiri “Waan ku faraxsanahay inaan la socono dadka oo aan ku dhex noolnahay bulshadeenna iyo inaan joogno xilligan oo aan cabsi jirin”.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa bogaadiyay ammaanka guu ee Muqdisho oo haatan wax badan iska beddalay, kadib markii ay hirgaleen qorshayaal amni oo ay la timid dowladda dhexe, kuwaas oo guuleystay.

“Magaaladan waa nabad looma baahna hub waa wayn nabad ayay ku naalooneysaa magaaladaan shacabkeedana ay ku noolaanayaan Ilaahey ayaan ugu shukrineynaa,” ayuu yiri mar kale yiri, Mudane Xamza Cabdi Barre.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img