30.5 C
New York

Wararka: Daawo: Dabaal-degga xuska Kowda Luulyo iyo diyaarado ka qa…

Published:

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka socota munaasabad wayn oo lagu xusayo Kowda Luulyo oo ku beegan 66-guurada ka soo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xornimada qaateen, isla markaana ay la midoobeen gobollada Waqooyi, taas oo dhalisay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wararka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo si wayn usoo agaasintay munaasabadda maanta ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa awood ciidan iyo diyaarado casri ah, kuwaas oo k qayb-qaadana dabaal-degga xuska Kowda Luulyo oo sanadkan si weyn uga duwan sanadihii hore.

Dhammaan qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida ayaa ka qayb-qaadanaya dabaaldegga, kuwaas oo fantasiyo waawaayn kusoo bandhigaya Taalada Daljiska Daahoon ee degmada Boondheere.

Sidoo kale, gaadiidka ciidamada iyo fardo ayaa munaasabadda qayb ka ah kuwaas oo socod ku marayay waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla gudaha caasimadda.

Faahfaahinta

Waxaa kale oo ay Dowladda Soomaaliya maanta soo bandhigeysaa diyaarado ay leeyihiin ciidamad cirka Soomaaliya, kuwaas oo sanadkii labaad ka qayb-galaya munaasabadda, iyaga oo dul wareegi doono degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, madaxda dalka oo ay ugu horreeyaan Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa goobjoog ah dabaal-degga, iyaga oo sheedda sare kala socda bandhigga ay sameeynayaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyay ka qaybgalka munaasabadda.

Xuska sanadkan ayaa kusoo aaday, xilli Dowladda Soomaaliya ay isbeddal wayn ku samesay qaab dhismeedka ciidamada iyo qalabkooda, waxaana burburka kadib diyaarado helay ciidanka cirka ee loo soo tababaray Soomaaliya.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img