30.3 C
New York

Wararka: Ciidamada Soomaaliya iyo Turkiga oo duqeyn culus ku beegsa…

Published:

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa shaacisay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamada Jamhuuriyadda Turkiga ay saaka duqeyn qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Goday ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, halkaas oo lagu burburiyay xarumo iyo kayd hub.

Dowladda ayaa sheegtay in duqeynta lagu dilay 35 dagaalyahan oo ka tirsanaa kooxda, islamarkaana in ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in la burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan oo kooxda u diyaarsaneyd fulinta weerarro iyo falal amni darro ah.

Faahfaahinta

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab iyo sugidda amniga dalka, iyadoo u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamiga ah ee taageera dagaalka ka dhanka ah kooxda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img