25.3 C
New York

Wararka: Cabdiraxmaan Cirro oo booqasho rasmi ah ku tegaya Israa’iil.

Published:

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa todobaadka soo socda booqasho rasmi ah uga bilaabanaysaa…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa todobaadka soo socda booqasho rasmi ah uga bilaabanaysaa gudaha Maamulka Yuhuudda, oo dhawaan ku dhawaaqay inuu si rasmi ah ugu aqoonsaday dowlad Madax-banaan.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa muddada uu ku sugan gudaha Israa’iil waxa uu ka qaybgeli doonaa xuska xasuuqii Naasiyiinta Jarmalka ay u geysteen Yuhuudda kunool Yurub intii lagu jiray dagaalkii 2aad ee Adduunka.

Dhanka kalena, Cabdiraxaman Cirro ayaa waxa uu furi doonaa safaarad cusub oo Hargaysa ka furanayso Quddusta la haysto, isaga oo kulmaya Netenyaahu & madaxda kale ee Israa’iil, sida ay sheegeen saraakiil katirsan Madaxtooyada Maamulka Somaliland.

Faahfaahinta

Ugu dambayntiina Cabdiraxaman Cirro ayaa lagu wadaa in uu si rasmi ah qalinka ugu duugo Heshiiska Abraham Accords oo fududaynaya xidhiidhka diblumaasiyadeed & iskaashi ee Israa’iil iyo Somaliland, sida uu weriyey Telefishinka Telaabiib ee iTVNews.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img