20.6 C
New York

Wararka: Booliska Itoobiya oo xiray 17 qof oo lagu eedeeyay tahriib…

Published:

Booliska Federaalka Itoobiya ayaa xiray 17 qof oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsanaayeen shabakad abaabulan oo tahriibisa dadka, kuwaas oo si sharci-darro ah muwaadiniin Itoobiyaan ah ugu gudbin jiray Sacuudiga iyagoo maraya Jabuuti iyo Yemen.

Wararka Soomaaliya

Booliska ayaa sheegay in kooxdan uu hoggaaminayay eedeysane lagu magacaabo Mohamed Tahir Aden (Wordi) waxaana kooxdu ay ka qaadatay dhibanayaasha lacag ka badan 1 bilyan oo birr Itoobiyaan ah. Baaritaan ay sameeyeen ciidamada ammaanka ayaa lagu ogaaday in shabakaddan ay tahriibisay in ka badan 40,000 oo qof.

Sida ay sheegeen boolisku, tahriibayaasha waxaa lagu khiyaami jiray ballanqaadyo been ah sida nolol wanaagsan oo Sacuudiga taala, balse marka ay gaaraan Yemen waxaa lagu hayn jiray goobo xiran, laguna sameyn jiray tacaddiyo iyo jirdil.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in dadka la haystay lagu khasbi jiray inay qoysaskooda ka dalbadaan lacag madax-furasho ah, halka kuwa aan awoodin bixinta lacagta loogu hanjabi jiray muuqaallo muujinaya jirdil in lagu samaynaayo si cadaadis loogu saaro eheladooda.

Faahfaahinta

Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu ogaaday in falalkan ay sababeen dhimashada in ka badan 60 qof, iyadoo haween dhowr ahna la sheegay in lagu sameeyay xadgudubyo galmo.

Booliska Federaalka Itoobiya ayaa sheegay in dhammeystirka baaritaanka kadib ay kiiska iyo caddeymaha loo gudbiyey Wasaaradda Caddaaladda si dacwad loogu soo oogo eedeysanayaasha. Waxa kale oo la xayiray hantida, gaadiidka iyo akoonnada bangiyada dadka lagu eedeeyay inay ka faa’iideysteen dambiyadaas.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img