25.3 C
New York

Wararka: Barlamaanka Puntland oo meelmariyey waxka-beddel lagu same…

Published:

beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dawladaha Hoose, kadib…

Wararka Soomaaliya

Barlamaanka Dowladda Puntland ayaa maanta ansixiyey wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dawladaha Hoose, kadib dood iyo falanqeyn muddo dhowr maalmood socotay.

Fadhiga 13-aad ee Kalfadhiga 58-aad, oo uu shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, isla markaana ay ku wehelinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa lagu soo gabagabeeyey akhriska saddexaad ee wax-ka-beddelka xeerka.

Xeerkan oo ay ka soo shaqeeyeen Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada, ayaa lagu sheegay inuu door muhiim ah ka qaadanayo maamul-daadejinta, hufnaanta maamulka dawladaha hoose, xoojinta wada shaqeynta goleyaasha deegaanka, horumarinta adeegyada bulshada iyo tayeynta maamulka gobollada iyo degmooyinka Puntland.

Faahfaahinta

Codbixintii lagu ansixinayey xeerka waxaa ka qayb galay 38 mudane, waxaana oggolaaday 32 mudane, halka 5 mudane ay diideen, 1 mudanena uu ka aamusay.

Dhanka kale, Golaha Wakiillada ayaa loo qaybiyey wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Puntland oo ay soo gudbisay Xukuumadda, si loogu sameeyo akhriska koowaad. Golaha ayaa la filayaa inuu markale isugu yimaado fadhigiisa xiga maalinta Sabtida, 11-ka Luulyo 2026, haddii Alle idmo.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img