Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire…
Wararka Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyay fadhiga 10-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Ajandaha ugu weyn ee fadhiga ayaa ahaa ka shaqaynta wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dawladaha Hoose ee Dowladda Puntland, si uu ula jaanqaado baahiyaha maamulka iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee Puntland.
Intii uu socday fadhigu, Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ayaa Golaha horkeenay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qodobada la doonayo in wax laga beddelo iyo sababaha dib-u-habaynta xeerka.
Faahfaahinta
Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa kaddib guda galay dood qodob-qodob ah oo la xiriirta wax-ka-beddelka iyo kaabista xeerka, iyagoo falanqeeyay qodobada muhiimka ah ee ku jira.
Barlamaanka Puntland ayaa maanta cod hal dheeri ah ku ansixiyey qodobka la xiriira masaafada ay isu jirsanayaan degmooyinak Puntland oo dood badan abuuray, iyadoo la meelmariyey in degmo kasta ay midda ugu dhaw u jirsan karto ugu yaraan 60KM, golaha ayaa sheegay in sharcigaani uusan saamayn doonin degmooyinkii hore haseyeeshee lagu salayn doono degmooyinka dambe.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

