26.7 C
New York

Wararka: Bannaanbaxyo Ballaaran oo Ruxay Kenya iyo Waddooyin La Xiray

Published:

Magaalooyin waaweyn oo ka tirsan dalka Kenya ayaa maanta waxaa hareeyay bannaanbaxyo ballaaran oo loo sameeyay munaasabadda loo yaqaano “Saba Saba”, taasoo sababtay in la xiro waddooyin muhiim ah, ganacsiguna hakad galo.

Wararka Soomaaliya

Dibadbaxyadan ayaa ka dhacay magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Kisumu, Nakuru iyo Eldoret, iyadoo ciidamada ammaanka si weyn loo geeyay goobaha ay mudaharaadyadu ka socdeen.

Waddooyinka gala bartamaha Nairobi ayaa la xiray, halka ciidamada booliisku ay sameeyeen baro-koontarool oo adkeeyay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Ganacsiyo badan ayaa xirnaa, iskuullo iyo adeegyo gaadiidna waa ay hakadeen, kadib markii shacabka careysan ay dalbadeen isla-xisaabtan dowladeed, joojinta tacaddiyada booliska, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo hagaajinta xaaladda dhaqaale ee dalka.

Faahfaahinta

“Saba Saba” oo afka Sawaaxiliga ka dhigan “Toddoba Toddoba”, ayaa asal ahaan kasoo bilaabatay July 7, 1990, markaas oo siyaasiyiin mucaarad ah iyo dhaqdhaqaaqayaal dimuqraadiyad doon ah ay dalbadeen in Kenya laga hirgeliyo nidaam axsaab badan leh, xilli uu dalka ka jiray nidaam hal xisbi ah oo uu hoggaaminayay madaxweynihii hore Daniel arap Moi.

Inkasta oo mudaharaadyadii xilligaas si xooggan loo cabburiyay, haddana waxay noqdeen dhacdo taariikhi ah oo horseeday dib-u-habeyn siyaasadeed iyo dib usoo noqoshada nidaamka axsaabta badan sanadkii 1991.

Sanadihii dambe, gaar ahaan kadib bannaanbaxyadii dhalinyarada Gen Z ee dhacay 2024, munaasabadda Saba Saba waxay isu beddeshay astaan ay shacabka Kenya ku muujiyaan cabashooyinka la xiriira maamulka dalka, xaaladda nololeed iyo xorriyadaha dastuuriga ah.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img