25.3 C
New York

Wararka: Banaanbax looga soo horjeedo xarigga Suways Gacayte oo ka …

Published:

Weriyayaasha ka hawlgala magaalada Garoowe ayaa maanta dhigay dibadbax nabadeed oo ay uga soo horjeedaan xarigga…

Wararka Soomaaliya

Weriyayaasha ka hawlgala magaalada Garoowe ayaa maanta dhigay dibadbax nabadeed oo ay uga soo horjeedaan xarigga weriye Suways Maxamuud Jaamac (Suways Gacayte), oo muddo ka badan hal toddobaad ku xiran Xabsiga Dhexe ee gobolka Nugaal.

Intii uu socday dibadbaxa, weriyayaashu waxay socdaal ku tageen xarumaha kala duwan ee dowladda, gaar ahaan Maxkamadda Gobolka Nugaal, Golaha Wakiillada Puntland iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha oo ay dibadbax ka hor sameeyeen.

Suxufiyiinta ayaa waxa ay sheegeen in xorriyadda saxaafaddu ay tahay tiir muhiim u ah dowladnimada iyo dimuqraadiyadda, ayna lagama maarmaan tahay in la dhowro xuquuqda weriyeyaasha si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo iyagoo aan cabsi iyo culeys la kulmin.

Faahfaahinta

Waxay sidoo kale ku baaqeen in la ilaaliyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta, iyagoo codsaday in Suways Gacayte loo maro hannaan caddaaladeed oo hufan isla markaana la ixtiraamo dhammaan xuquuqeheeda dastuuriga ah.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img