23.3 C
New York

Wararka: Baarlamaanka Turkiga oo laba sano oo kale kordhiyay joogit…

Published:

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu soo gudbiyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo lagu kordhinayo…

Wararka Soomaaliya

Baarlamaanka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin uu soo gudbiyay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, kaas oo lagu kordhinayo muddo laba sano ah joogitaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga ee ka howlgalaya Soomaaliya, kaasi oo ka bilaabanaya 27-ka Luulyo 2026, waxaana uu sii xoojinayaa iskaashiga amniga ee u dhexeeya labada dal.

Go’aanka Baarlamaanka ayaa u oggolaanaya ciidamada Turkiga inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka kooxaha argagixisada, burcad-badeedda, kalluumeysiga sharci darrada ah, tahriibka iyo khataraha kale ee saameeya amniga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika.

Sida ku cad mooshinka la ansixiyay, howlgalka ciidamada Turkiga wuxuu ka socon doonaa dhulka iyo biyaha Soomaaliya, iyadoo Madaxweynaha Turkiga loo xilsaaray inuu go’aamiyo baaxadda, goobaha iyo muddada dhabta ah ee ciidamada la hawlgelinayo, iyadoo lagu saleynayo xaaladda amni ee jirta.

Faahfaahinta

Mooshinka ayaa sidoo kale xusay in xiriirka iskaashiga ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu soo bilowday sanadkii 2011, isla markaana uu ku dhisan yahay heshiisyo dhinacyada difaaca, tababarka ciidamada, la-talinta amniga iyo horumarinta warshadaha milatariga.

Baarlamaanka Turkiga wuxuu carrabka ku adkeeyay in inkastoo ciidamada amniga Soomaaliya ay sameeyeen horumar dhinaca tirada iyo tababarka ah, haddana ay weli jiraan caqabado dhaqaale iyo kuwo farsamo oo saameyn ku yeeshay awooddooda hawlgal. Arrintaas awgeed ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah uga codsatay Turkiga inuu sii wado taageerada amni ee uu bixiyo.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img