22.7 C
New York

Warar Soomaaliya: Sanbaloolshe oo Weerar Culus ku Qaaday Villa Somalia — ‘Haddii Maanta la Aqbalo Hal Sano…’

Published:

Muqdisho — Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA, Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa weerar afka ah oo culus ku qaaday Villa Somalia, isagoo si adag uga horyimid qorshaha muddo kororsiga ee Madaxweynaha. Sanbaloolshe ayaa shaaca ka qaaday in haddii maanta la ogolaado hal sano oo sharci-darro ah, ay berri keeni doonto in la aqbalo toban sano oo sharci-darro ah.

‘Haddii maanta la aqbalo hal sano oo sharci-darro ah oo lagu kordhiyo dowlad uu hoggaaminayo madaxweyne muddo-xileedkiisu dhammaaday, berri waddadaas waxay nagu ridi doontaa in la aqbalo toban sano oo sharci-darro ah,’ ayuu qoraalkiisa ku yiri Sanbaloolshe. Wuxuu sidoo kale adeegsaday maahmaah Ingiriisi ah oo tiraahda: ‘If you forgive the fox for stealing your chickens, he will take your sheep.’

Sanbaloolshe ayaa fasiraad ka bixiyay qoraallo uu maalmahan ku daabacayay bartiisa Facebook, kuwaas oo qaarkood ku qornaa luqadda Ingiriiska. Wuxuu sheegay in farriimaha uu diray qof walba si uu u fasirto, isagoo adeegsaday sheeko Soomaaliyeed oo duluc leh si uu u sharxo qotoda farriintiisa.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli xiisadda siyaasadeed ay sii kacsan tahay, iyadoo mucaaradka iyo dowladda ay isku hayaan arrimaha doorashooyinka iyo muddo kororsiga. Sanbaloolshe oo ah mid ka mid ah dadka saamaynta weyn ku leh siyaasadda dalka, ayaa hadalkiisa laga dareemi doonaa saamyn weyn.

Related articles

Recent articles

spot_img