27 C
New York

Waqooyi Bari oo maamul u magacawday deegaan Puntland ka arrimiso.

Published:

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee maamulka isku magacaabay Woqooyi-bari Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay…

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee maamulka isku magacaabay Woqooyi-bari Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay magacowday masuuliyiin loo asteeyey maamulka degmada Dhahar ee gobolka Haylaan.

Wareegto kasoo baxday wasaaradda ayaa lagu magacaabay Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghaye Fulineed oo loo xilsaaray maamulka degmadaasi, waana markii ugu horreysey ee Waqooyi Bari maamul u soo magacawdo deegaan Puntland ka arrimiso.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa xilli degmada Dhahar ay hore uga jireen gole deegaan iyo maamul lagu soo doortay nidaamka qof iyo cod ee ay hirgelisay Puntland, kuwaas oo si rasmi ah uga shaqeynaya degmada. Sidaas darteed, magacaabistan cusub ayaa abuurtay dood ku saabsan cidda sharci ahaan u maamuleysa degmada iyo sida ay u saameyn karto xaaladda maamulka ee deegaannada Sanaag iyo Haylaan.

Dhanka kale, tallaabadan ayaa loo arkaa isku day uu maamulka Woqooyi-bari ku doonayo inuu ku muujiyo saamayntiisa siyaasadeed ee gobollada Sanaag iyo Haylaan oo ay ka arrimiso dowladda Puntland.

Related articles

Recent articles

spot_img