Wararka ugu dambeeyay ee ka imaanaya dalka Lubnaan ayaa sheegaya in duqeyn ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan lagu dilay Janaraal Wissam Sabra oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Lubnaan, iyo laba askari oo kale.
Dowladda Lubnaan ayaa weerarka ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida dalka, iyadoo Madaxweyne Joseph Aoun uu sheegay in weerarku uu carqaladeynayo dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro colaadaha gobolka.
Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun ayaa si kulul u cambaareysay weerarrada Israa’iil ee Lubnaan, waxayna ku baaqday in si degdeg ah loo joojiyo duqeymaha sii kordhaya.
Urdun ayaa sidoo kale ku celisay taageerada ay u hayso dowladda Lubnaan iyo dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha rasmiga ah ee dalkaasi, ayadoo Isla waqtigaas, kooxda Xisbullah ay sheegatay weerarro ay ku qaaday saldhigyo iyo xarumo ay Israa’iil ku leedahay koonfurta Lubnaan, iyadoo adeegsatay diyaarado aan duuliye lahayn iyo madaafiic.
Dhinaca diblomaasiyadda, Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa la sheegay inuu fariin muhiim ah gaarsiiyay hoggaanka sare ee Iiraan, isagoo ku baaqay in la soo afjaro dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Pentagon-ka Maraykanka uu kor u qaaday heerka digniinta la xiriirta basaasnimada Israa’iil, kadib walaac laga muujiyay isku dayo lagu doonayo in lagu ogaado mowqifyada Aqalka Cad ee ku saabsan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka.
Dhanka Khaliijka, Kuwait ayaa sheegtay inay hawada ku burburisay toddobo gantaal oo ballistic ah oo ay Iiraan soo ridday, kuwaas oo la sheegay inay ku wajahnaayeen saldhigyo ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin dalkaasi.

