Soomaaliya ayaa kamid noqonaysa dalalka sida weyn u daneynaya inay ku biiraan heshiis cusub oo difaaca oo ay dhawaan wada saxiixdeen madaxda dalalka Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga amni iyo difaac ee dalalka saxiixay.
Wararka Soomaaliya
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiskaasi, iyadoo sheegtay inay kalsooni buuxda ku qabto ujeeddooyinka heshiiska iyo kaalinta uu ka qaadan karo xoojinta nabadda iyo amniga gobolka iyo guud ahaan caalamka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba soo dhoweynaysaa tallaabo kasta oo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo iskaashiga difaaca ee dalalka saaxiibada ah, si loo helo gobol ammaan ah oo horumarsan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Soo dhaweynta ay Soomaaliya u muujisay heshiiskan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan uu Jimcihii ugu baaqay dalalka ay arrintani khusayso inay ku biiraan iskaashiga cusub ee dhinaca difaaca.
Faahfaahinta
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Soomaaliya ay ka fiirsanayso inay qayb ka noqoto heshiiskan, iyadoo Dowladda Federaalka ay xiriir dhow oo dhinaca amniga iyo difaaca ah la leedahay qaar ka mid ah dalalka aas-aasay heshiiska.
Muhiimadda heshiiskan ayaa Soomaaliya si gaar ah u khusaysa, maadaama dalka uu ku yaallo marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed iyo meel u dhow marinka Bab al-Mandab oo ah mid ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee isku xira ganacsiga caalamiga ah iyo dalalka Bariga Dhexe.
Isbaheysiga cusub ayaa loo aas-aasay xoojinta iskaashiga difaaca iyo sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ah, gaar ahaan marinka Bab al-Mandab iyo Gacanka Faaris, iyadoo ku biirista Soomaaliya ay haddii ay dhacdo noqon karto tallaabo cusub oo lagu xoojinayo xiriirka amni iyo difaac ee Muqdisho iyo dalalka gobolka.
Saamaynta
Heshiiskan cusub ayaa xambaarsan fariin siyaasadeed iyo mid amni oo ka weyn magaca heshiiska laftiisa. Saddexdan dal oo ka mid ah quwadaha ugu waaweyn dunida Muslimka ayaa dhisaya hannaan cusub oo iskaashi amni, xilli kalsoonida lagu qabo nidaamkii amni ee muddada dheer gobolka ka jiray ii sii wiiqmayo.
Sacuudiga wuxuu heshiiska la imanayaa awood dhaqaale iyo miisaan siyaasadeed, Turkiga wuxuu leeyahay ciidanka labaad ee ugu weyn NATO iyo warshado difaac oo si xawli ah u koraya, halka Pakistan ay leedahay awood ciidan oo weyn iyo hubka nukliyeerka ee keliya ee uu leeyahay dal Muslim ah.
Su’aasha ugu weyn ma ahan in saddexdan dal ay doonayaan inay Mareykanka ka saaraan gobolka ama beddelaan kaalintiisa. Waxa muhiimka ah waa in Riyaad, Ankara iyo Islamabad ay u muuqdaan kuwo rumeysan in Washington oo keliya aysan mar dambe siin karin dammaanadda amni ee ay u baahan yihiin.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

