19.9 C
New York

Somaliland: 28 kun fal dambiyeed oo dhacay sanad gudihiisa

Published:


Hargeysa — 
Booliska Somaliland ayaa ka warbixiyay tirada fal dambiyeed iyo shilalkii gaari ee ay dad ku dhinteen 12-kii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacay guud ahaan Somaliland, kuwaasi oo badi dadkii ku lugta lahaa la soo qab-qabtayWarbixinta booliska ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ka dhaceen in ka badan 28 kun oo fal dambiyeed oo dilal iyo kufis ay ku jiraan iyo sidoo kale in ka badan siddeed kun oo shil gaari.Munaasabad lagu maamuusayay 31 guuradii ka soo wareegtay maalintii la aas-aasay ciidanka booliska Somaliland ayaa warbixinta lagu soo bandhigay iyadoo uu goob joog ahaa madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.Wariye Xamse Cali Jeesto ayaa faah-faahinta ka soo diray Hargeysa.


Read More

Related articles

Recent articles

spot_img