35.6 C
New York

Somalia’s Kaamil Links Up With Quddus for World Cup Bid

Published:

Fanaanka caanka ah ee da’da yar ee Soomaaliyeed, Khalid Kaamil, ayaa la sheegay inuu lix maalmood ku xiran yahay xabsiga Mandheera, ee magaalada Hargeysa kadib eedeyn la xiriirta heeso uu ku taageeray magaalada Quddus.

Xariga fanaanka ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada, iyadoo dad badan ay muujinayaan walaac ku saabsan xarigga loo geystay fanaanka dhalinyarada ah.

Xildhibaan Cali Ileeye oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in xarigga Khalid Kaamil uu yahay mid ka dhan ah xorriyadda fikirka iyo hal-abuurka fanaaniinta Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay bulshada iyo masuuliyiinta inay ka shaqeeyaan sii deyntiisa.

Kiiskan ayaa dhaliyay dood xooggan oo ku saabsan xorriyadda hadalka, doorka fanaaniinta iyo xaqa ay u leeyihiin muujinta aragtidooda shaqsiga ah.

Somaliland ayaa wax loogu yeeray Safaarad ka furtay magaalada Qudus taasoo dhalisay walaac in si weyn looga soo horjeesto.

Related articles

Recent articles

spot_img